Taariikhda Cryptocurrency

HORUDHAC
Taariikhda Cryptocurrency Maanta, ereyga “cryptocurrency” wuxuu noqday mid meel walba laga maqlo. Mararka qaar waxaad maqleysaa Bitcoin oo wararka qabsaday, marna waxaad arkeysaa dad ku ganacsanaya coins ayagoo telefoonkooda isticmaalaya. Waxaa sidoo kale jira doodo ku saabsan mustaqbalka lacagta dijitaalka ah. Laakiin sidee bey arrintan u bilaabatay? Xaggee ka timid cryptocurrency? Sideese ayey u kortay oo u noqotay mid beddeshay aragtida dhaqaalaha ee caalamka?
Aan u kala saarno si kooban taariikhda cajiibka ah ee cryptocurrency – laga soo bilaabo fikradda, ilaa kacaankii uu ku keenay dhaqaalaha caalamka.
Lacag Dijitaal ah ka Hor Inta aan Bitcoin Imaanin
Fikradda lacag dijitaal ah ma ahayn mid cusub. Intii u dhexeysay 1980-meeyadii iyo 1990-meeyadii, saynisyahanno kombiyuutar iyo khubarada amniga xogta waxay isku dayayeen inay abuuraan nooc lacag ah oo gaar loo leeyahay, si xor ahna u shaqeysa oo aan lagu kalsoonaan hay’ad dhexe sida bangiyada ama dowladaha.
Mid ka mid ah tusaalayaashii ugu horreeyay wuxuu ahaa DigiCash, oo uu sameeyay David Chaum. DigiCash wuxuu bixinayay adeegyo u ogolaanaya dadka inay lacag dirtaan si qarsoodi ah, laakiin waxay weli ku tiirsanayd shirkad dhexe. Waxaa xigay mashaariic kale sida e-gold iyo b-money, kuwaas oo intooda badan fashilmay ama sharci la dagaallamay.
Inkastoo mashaariicdani aysan guuleysan, waxay dhidibada u aaseen waxa imaan lahaa – Bitcoin.
2008: Dhalashada Bitcoin
Bishii October 2008, qof isticmaalaya magac been ah oo ah Satoshi Nakamoto wuxuu daabacay waraaq caan ah oo la yiraahdo “Bitcoin: Nidaam Lacageed oo Isku Xiran oo Ka Madhan Xukuumad”. Waraaqdan waxay soo bandhigtay lacag cusub oo dijitaal ah oo si buuxda u shaqeysa, iyadoo aan la adeegsanin hay’ad dhexe.
Satoshi wuxuu sheegay in dadka la siin karo awoodda in ay si toos ah lacag iskugu diraan, meelkasta oo ay joogaan, iyadoon la adeegsan bangi ama xukuumad.
Waxyaabaha cusub ee Bitcoin keentay waxaa ka mid ahaa:
- Blockchain: Diwaan furan oo baahsan oo diiwaan geliya dhammaan macaamilada.
- Proof-of-work: Hab caddayn ah oo macdan-qodayaasha (miners) ay xalliyaan xisaab adag si ay u xaqiijiyaan macaamilo.
- Tiro Xadidan: Waxaa jira oo keliya 21 milyan oo Bitcoin ah oo la soo saari karo.
Bishii Janaayo 2009, waxaa la sameeyay block-kii ugu horreeyay ee Bitcoin, oo loo yaqaan Genesis Block. Gudihiisa, Satoshi wuxuu ku qoray fariin taariikhi ah:
“The Times 03/Jan/2009 Chancellor on brink of second bailout for banks.”
Fariintan waxay ahayd dhaleeceyn ku wajahan nidaamka bangiyada iyo dowladda, gaar ahaan wixii ka dambeeyay burburkii dhaqaalaha 2008.
2010: Bitcoin Wuxuu Helay Qiimo – Pizza Lagu Gato
Bilowgii, Bitcoin qiime ma lahayn. Waxa kaliya ee isticmaali jiray waxay ahaayeen khubaro iyo barayaal la tacaalaya tijaabooyin.
Laakiin bishii May 2010, nin la yiraahdo Laszlo Hanyecz wuxuu isticmaalay 10,000 BTC si uu u gato laba pizza. Waqtigaas, lacagtaasi waxay qiimeysneyd $41.
Tani waxay ahayd markii ugu horreysay ee cryptocurrency lagu gato wax run ah oo la taaban karo. Maanta, maalintaas waxaa loo yaqaanaa Bitcoin Pizza Day.
2011–2013: Soo Baxitaanka Altcoins iyo Kordhinta Wacyiga Dadweynaha
Markii Bitcoin caan noqday, horumariyayaal kale ayaa bilaabay inay abuuraan lacagaha kale ee loo yaqaan Altcoins.
Kuwii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa:
- Litecoin (2011): Nuqul ka mid ah Bitcoin oo degdeg badan.
- Namecoin (2011): Lagu sameeyay nidaamka magacyada internetka ee baahsan.
- Ripple (2012): Lagu talagalay hagaajinta wareejinta lacagaha caalamka.
Sidoo kale, dad badan ayaa bilaabay inay maqlaan magaca Bitcoin, waxaana qiimaheedu gaaray in ka badan $1,000 dhammaadkii 2013.
Waqtigan waxaa sidoo kale dhacay burburka shirkadda Mt. Gox, oo ahayd isweydaarsi Bitcoin ah oo la jabsaday, waxaana lumay in ka badan 850,000 BTC. Tani waxay ahayd dhacdo weyn oo ruxday kalsoonida dadweynaha.
2015: Ethereum Iyo Xilligii Smart Contracts
Sanadkii 2015, waxaa la bilaabay mashruuca Ethereum, oo uu aasaasay Vitalik Buterin. Ethereum waxay keentay fikrad cusub: smart contracts, taasoo ah barnaamijyo si toos ah u fuliya amaro marka shuruuduhu buuxsamaan.
Ethereum waxay albaab u furtay adeegyo cusub sida:
- DeFi (Decentralized Finance)
- NFTs (Non-Fungible Tokens)
- DAOs (Decentralized Autonomous Organizations)
Waxay ahayd horumar la taaban karo oo loo yaqaan Blockchain 2.0.
2017: Kacdoonkii Crypto iyo ICO-da
Sanadkii 2017, suuqii cryptocurrency wuu qarxay. Qiimaha Bitcoin wuxuu kor ukacay laga bilaabo $1,000 ilaa ku dhowaad $20,000 bisha December.
Markaasi waxaa dhacay wax loo yaqaan ICO Mania — shirkado cusub ayaa bilaabay inay token-yo iibiyaan si ay lacag ugu helaan mashruucooda.
Inkastoo qaar ay ahaayeen mashruucyo dhab ah, kuwa badan waxay ahaayeen khiyaanooyin. Dowladda Mareykanka iyo kuwa kale waxay bilaabeen inay sharciyo adag soo saaraan, taasoo keentay in suuqu burburo horraantii 2018.
2020–2021: Soo-Noqoshada Crypto iyo Maalgashadayaasha Waaweyn
Sanadihii 2020 iyo 2021, crypto wuxuu dib ugu soo laabtay warbaahinta.
Waxyaabaha sababay kororka waxaa ka mid ahaa:
- COVID-19 iyo qiimo dhaca lacagaha.
- Kororka DeFi, oo bixiyay adeegyo dhaqaale aan bangi laheyn.
- NFTs, oo noqday wax lagu gado farshaxanka iyo ciyaaraha.
- Shirkado waaweyn sida Tesla, MicroStrategy, iyo Square oo iibsaday Bitcoin.
Qiimaha Bitcoin wuxuu gaaray ilaa $69,000 bisha November 2021.
2022–2023: Shilal, Sharciyo, iyo Suuq Horumarsan
Sanadihii dambe, suuqa crypto wuxuu wajahay caqabado:
- Burburkii shirkado waaweyn sida FTX iyo Terra/LUNA.
- Sharciyo cusub oo ay sameeyeen EU (MiCA) iyo Mareykanka.
- Ethereum oo u wareegtay nidaam tamarta badbaadiya oo la yiraahdo Proof-of-Stake.
2024 iyo Wixii Ka Dambeeya: Mustaqbalka Crypto
Sanadkan 2025, cryptocurrency wuxuu galayaa waji cusub:
- Dowlado ayaa horumarinaya CBDCs (Central Bank Digital Currencies).
- Waxaa la ansixiyay Bitcoin ETFs.
- Web3 iyo blockchain waxay noqonayaan mustaqbalka internet-ka.
- Tiknoolajiyada AI iyo Blockchain ayaa isku milmaya.
Waxaa weli jira caqabado, laakiin waxa la hubo waa in cryptocurrency uusan mar dambe ahayn hal-abuur keliya — waa dhaqdhaqaaq caalami ah.
Gunaanad
Laga bilaabo waraaq yar oo lagu qoray 2008 ilaa warshad qiimaheedu kor u dhaafay trillions of dollars, cryptocurrency wuxuu beddelay aragtida dhaqaale ee dunida.
Wuxuu bilaabay sidii tijaabo. Maanta, wuxuu noqday aalad awood badan u leh inay curiso mustaqbal dhaqaale oo cusub.
Su’aashu maanta ma aha “Ma jiri doontaa cryptocurrency?”
Su’aashu waa: “Sidee buu u qaabeyn doonaa mustaqbalkeenna?”
Asc
Hi
Wan idin salamay
Kaamil hire mahamed
Nadira
Cabdulaahi
Sahro Yuusuf
Asma ahmed